Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in halkaasi galabta lagu xiray majaajiliistaha caanka ah ee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis).
Ajakis ayaa la sheegay inuu transit ku ahaa garoonka magaalada Hargeysa isagoo ku sii jeeday magaalada Jigjiga ee maamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana si lama filaan garoonka ugu soo galay oo ka kaxeysay ciidamo.
Majaajliiste Ajakis ayaa la sheegay in xabsi loo taxaabay gudaha magaalada Hargeysa iyadoo aan la sheegin sababta xarigiisa, waxaase la  filayaa inuu la xiriiro Barnaamijkiisa FAALIYAHA QARANKA oo telefishanka Universal uu ka jeediyo, kaasoo ay dhibsadeen madaxada Somaliland.
@RadioDalsan