Wararka naga soo gaarayo Deegaanka Godinlabe ee duleedka magaalladda Cadaado ayaa waxay sheegayaan inay halkaasi ku dagaalamayaan Ciiddamo ka wada tirsan Maamulka Galmudug.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay inay Ciiddan taabacsan Maamulka Galmudug ay weerareen Ciiddan kale oo ka goostay Maamulkaasi, kuwaasi oo fariisin ka dhigtay Deegaanka Godinlabe oo 30-Km dhanka Koonfurta ka xigta Caasimadda Maamul-gobaleedka Galmudug ee Cadaado.
Labada dhinac ayaa la sheegay inay isku adeegsadeen noocyadda Hubka culus iyo qoryaha Fudud, mana kala cadda khasaaraha ka dhashay Iska-horimaadkaasi.
Dhinaca kale, waxaa socda dadaal lagu kala dhex galayo Ciiddanka dagaalamayo, iyadoo Odayaasha Dhaqanka ku hawlan yihiin sidii loo kala qaadi lahaa Ciiddanka ku dagaalamayo Deegaanka Godinlabe ee Gobalka Galgaduud.
©Radio Dalsan