Dowladda Kenya ayaa amar ku bixisay in si dhaqso leh loo xiro 13 Xawaalado Soomaaliyeed oo ka hawlgala dalkaasi, waxaana Xawaaladahaasi lagu eedeeyey inay maalgeliyaan Dhaqdhaqaaqyadda Alshabaab ka fuliyaan dalkaasi.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya waxay kaloo joojiyeen Lacag-xisaaabeedka ay 86 qof oo asalkooda yahay Somalia ku lahaayeen Bangiyadda Kenya, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay maalgeliyaan Alshabaab.
Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, waxaa kaloo lagu xusay in Tallaabooyinka lagu xiray Xawaaladaha looga dan leeyahay sidii loo naafeyn lahaa maalgelinta Alshabaab.
Dhinaca kale, Idaacadda Dalsan Radio ayaa heshay magacyadda 13-ka Xawaaladood ee laga xayiray Xafiisyadda ay ku leeyihiin gudaha dalka Kenya, waxayna kala yihiin Xawaaladaha:
- Amal Money Transfer
- Dahabshil Money Transfer
- Tawakal Money Transfer
- Bakaal Money Transfer
- Jubba Express Money Transfer
- Iftin Money Transfer
- Hodan Global Money Transfer
- Ammaana Money Transfer
- Kaah Money Transfer
- Continental Money Transfer
- Kendy Money Transfer
- Flex Money Transfer
- Legend International Consulting Limited