Howgal Militari oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Cirka ee Mareykanka (US AFRICOM) ayaa goordhow laga fuliyay goobo ay ku dhuumaalaysanayeen Xubno sare iyo dagaalamayaal sare oo ka tirsan Daacish ee Buuralayda Caalmiskaad, gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland.
Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaa lagu xoojinayay howgallada isdaba joogga ah ee geesiyaasha daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan Daacish, wali waxaa socda tirakoobka khasaaraha gaaray ISIS.
Qiimeyn kadib faahfaahin dhameystiran ayaa laga soo saari doonaa howlgalkaan, maadaama uu weli socdo howgalkaan oo ah mid qorsheysan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxiibada Mareykanka waxaa ka go’an xoojinta iskaashiga howgalka ka dhanka ah Daacish.