Labada Gole ee Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyey Habraaca Wax ka badalka Dastuurka dalka, waxaana Ogolaaday habraaca 180 Xildhibaan halka ay diideen 30 mudane sida uu ku dhawaaqay guddoonka golaha.
Mudaneyaasha Labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan kaan oo ahaa mid xasaaaasi ah, ugu dambeyna waa la meelmariyay wax ka bedelka Dastuurka dalka.
Qodobkaan wax ka bedelka Dastuurka dalka ayaa la sheegay inuu yahay qorshe baabi’inaya xilka Ra’iisul Wasaaraha soona kordhinaya madaxwayne ku xigeen, waxaana taas Mucaaradku u arkaan mid qorshaheeda ay wadato Villa Soomaaliya.