War goordhow soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay weerareen Xarunat Wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay galeen Xafiiska Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya kaas oo lagu eedeeyey in uu ku kacay fal musuq maasuq ah.
Ilo xog-ogaal ah ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in markii hore Ciidamada tegay Wasaaradda iyo ilaalada Wasiir ku xigeenka uu khilaaf soo kala dehx galay taas oo xiisad dhalisay,waxana markii dambe suurtagashay in Ciidamada dowladda ay galaan xafiiska Wasiir ku xigeenka.
Wararkii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com