Waxaa Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho kusoo dhammaatay doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Doorashada xilka Madaxweynaha ayaa waxaa ku tartamay 37 Musharax, waxaana doorashada oo la galay saddex wareeg oo midkii ugu dambeeyay isugu soo hareen laba Musharax oo kala ahaa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ahaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee shantii sanno ee lasoo dhaafay hoggaaminayay dalka.
Doorashada wareega saddexaad oo tartan adeg la galay ayaa waxaa ku guuleystay oo Madaxweynaha cusub ee afarta sanno ee socota dalka Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo helay Codad gaaraya 214, halka Maxamed Farmaajo uu isna helay 110 Cod, waxaana halaabay saddex Cod.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh u dhaariyay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo horey loogu doortay xilka Madaxweynaha sanadkii 2012, wuxuuna markaas ka guuleystay Sheekh Shariif Sh Axmed.