Jugta qaraxyo xooggan oo Is-miidaamin ahaa ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan aaga Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana qaraxyada kadib la maqlay rasaas xooggan.
Warar la helayo ayaa sheegaya in qarax koowaad uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, isla markaana lagu dhuftay Albaabka dambe ee Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qarxyadaas ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, aaga xarunta Gobolka ayaa waxaa kusii qul-qulaya gaadiidka gurmadka deg dega ah.
La soco wixii kusoo kordha wararkaan.