Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arimaha Dibadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Da’uud ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in lagu sii daayay damaanad isla markaana uu ogolaaday in 24-saac gudahood uu ku hortago Maxkamad si dacwadiisa loo qaado.
Saakay ayaa Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibada waxaa tegay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,kuwaas oo sameeyey isku-day ay ku doonayeen in ay ku soo wataan balse ay halkaasi xiisad ka dhalatay,waxan soo farageliyey Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda,sida Ra’isiul Wasaaraha,wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Taliyaha Booliska.
In kastoo Wararku ay sheegayaan in 24 Saac gudahood uu Wasiir ku xigeenku ku hortagayo Maxkamada ayaanan weli wax go’aan ah laga gaari Karin halka ay xaaladu ku dambeyn doonto ,waxana sidaan oo kale dhawaan loo xirey Agaasimiha waaxda dib u dejinta barakacayaasha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.
Wasiirka Arimaha Dibada ee Dawladda Federaalka Axmed Ciise Cawad taleefanka sheegay isaga oo ku sugan  magaalada Garoowe in la xaliyay murankii saaka ka dhashay isku daygii ciidamo ka tirsan booliska ay ku doonayeen inay ku soo xiraan wasiir kuxigeenka wasaaradda Mukhtaar Mahad Da’uud.