Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayan in goordhopw Warbaahinta looga yeeray Xarunta taliska ciidanka ee Magaalada Garoowe,halkaas oo Warbaahinta ay mas’uuliyiin kula hadli doonaan.
Wararka aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Xarunta taliska ay Warbaahinta kula hadli doonaan Saraakiisha Ciidamada Puntland iyo Maamulka Gobolka Nugaal,iyaga oo soo bandhigi doona Maxaabis.
Wariyeyaal ku sugan Garoowe ayaa waxa ay sheegeen in lagu wargeliyey in ay tagaan Xarunta taliska Ciidanka,isla markaana halkaasi ay Warbaahinta kula hadli doonaan Maamulka Gobolka Nugaal iyo saraakiisha Ciidamada.