Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kaasi oo jugtiisa si weyn looga maqlay qaybo badan oo Caasimadda ka mid ah.
Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay meel u dhaw Taallada Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere, ilaa iyo haddana lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi.
Jugta qaraxa ayaa si weyn looga maqlay Xaafado iyo degmooyinka Caasimadda.
Wararka qaar waxaa ay tilmaamayaan in Qaraxa si gaar ah loola beegsaday Maqaayad ka agdhaw fagaaraha Taallada Daljirka, waxaana la sheeegay inuu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, inkastoo wali aan la xaqiijin warkaasi.
Laamaha ammaanka wali wax war ah kama soo saarin sidoo kalena lama oga khasaaraha ka dhashay iyo cidda sida gaarka ah loola bartilmaameedsaday.