War Goordhow soo gaarey Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in qarax Gaari uu ka dhacay xaafada Galmudug oo ka tirsan degmada hodan ee gobolka Banaadir,qaraxaas ayaa la sheegay in uu ahaa mid gaariga lagu xirey.
Dad ku sugan Xaafada Galmudug ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in qaariga ay saarnaayeen Afar ruux oo aan weli la garan waxa ay ahaayeen,isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaarey goobta uu qaraxa ka dhacay kuwaas oo xiray Wadada soo gasha.
Gawaarida qaraxyada lagu xiro ayaa inta badan ka dhaca Gudaha Magalada Muqdisho waxana dhowr todobaad ka hor agagaarka Taalada Daljirka Daahsoonee degmada Boondheere ka dhacay qarax gaari lagu xirey,taas oo sababtay dhimashada Darawalkii Gaariga iyo dhaawac Saddex ruux.
Faah faahinta Warkaan kala socda Radiodalsan.com.