Wararka ka imaanaya Magaaladda kismaayo, ayaa sheegaya in caawa laga maqlay qarax bam-gacmeed ah, inkastoo aysan jirir warar qasaare ah oo lasoo tabiyay.
Ila-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay, in qaraxa laga maqlay xaafadda Shaqaalaha oo ka tirsan magaaladda kismaayo.
” Ciidanka Nabad-sugida ayaa xaafadda ka wada howgallo, waxaana la sheegay in ninka qaraxa wada uu goob qashin qub ah uu ku tuuray qaraxa, waxaana loo maleeynayaa in uu ka baqay ciidanka ” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadka deegaanka.
Ciidanka maamulka ayaa lasoo sheegay in ay caawa howgallo ay ka wadaan magaaladda, howllgalkaasoo la sheegay in uu yahay mid amni xaqiijin ah.
Dadka deegaanka ayaa waxaa ay maamulku ay u sheegeen in howgaladda ay yihiin kuwo aan dadka dhibaato kala kulmeyn sidda ay hadalka u dhigeen.
#BREAKING Hand grenade heard at #Shaqalaha village in #kismayo town . No causalities reported #Somalia
— Somalia Live Update (@HassanIstiila) June 27, 2016
Wixii kusoo kordha halkaan kala soco