Wararka naga soo gaaraya magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in caawa halkaasi lagu dilay Nin ka tirsanaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada golaha Shacabka.
Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa Cabdi Cali Gareen ku diley afaafka hore goob Ganacsi uu ku lahaa Xaafada Cilmi lows ee bartamaha Magaalada Baladweyne sida ay soo sheegayaan Wariyeyaal ku sugan Magalada Baladweyne.
Marxuumka ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa Ganacsatada ugu caansan Magalada Baldweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaarey goobta uu dilka ka dhacay,waxana la shegay in meydka Marxuumka la geeyey Isbiatalka Guud ee Magalada Baladweyne.
Fah faahinta Warkaan kala socda Radiodalsan.com