Madaxwaynihii hore ee Mareykanka George HW Bush ayaa la sheegay in shalay oo Jimca aheyd in uu geeriyooday,isaga oo jiray da’da 94 Sanno.
Afhayeen u hadlay qoyska George HW Bush ayaa xaqiijiyay geeridiisa,isaga oo sheegay in uu aad uga xun yahay geeridaas.
Bush Senior ayaa geeriyooday Jimcihii, siddeed bilood kadib dhimashadii xaaskiisa, Barbara Bush.
“Jeb, Neil, Marvin, ah Afhayeenka Qoyska George HW Bush ayaa yiri.
“Anigu waan ka xumahay inaan ku dhawaaqo kadib 94 sanno oo nasoo martay in uu geeriyoodo aabaheena qaaliga ahaa,”waxaa sidaasi yiri wiilkiisa,kadib bayaan ay soo saareen Afhayeenka qoyska.
George HW Bush ayaa ahaa Madaxweynihii 41-aad ee Maraykanka soo mara,waxana xilka uu haayay inta u dhaxeysay Sanidihii 1989 illaa 1993-kii.