War Goordhow soo baxay ayaa waxa uu sheegayaa in Ciidamada booliska dambi baarista ee CID-da ay xireyn lix xubnood oo ka mid ah Kastamka Canshuuraha dekada Weyn ee magaalada Muqdisho,kuwaas oo lagu eedeeyey in ay ku kaceyn fal la xiriira musuq maasuq.
Xubnaha la xirey ayaa Saraakiil ka tirsan dekada Muqdisho waxaa Ay Dalsan u xaqiijiyeen in uu ku jiro Maamule kuxigeenka Furdada Dekeda Muqdisho,sidoo kale Maamulaha  Furdada Axmed C/llaahi Samow oo la sheegayo inuu ku jiro dadka loo jaray waaran xarig,balse la la’yahay.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday baaritaano lagu haayey Xafiiska Canshuuraha Dekada,iyada oo horey xafiiskaas loo xirey.
Horey ayaa waxaa loo xrey saraakiil ka tirsan Ciidanka booliska Soomaaliya iyo mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda.kuwas oo lagu eedeeyey musqu maasuq.
Faah faahinta Warkan kala socda Radio Dalsan.com