Shir ciwaankiisu yahay “Shirka Talo-wadaaga xildhibaanada ” ayaa hada ka soconaya hotel Jazeera waxaana wariyaheena oo goobta jooga uu soo sheegayaa in xildhibaanada lagu qiyaasi akro ilaa 80 xildhibaan oo u badan xildhibaanada ka soo horjeeda musharax Xasan Shiikh.
Shirka oo diirada lagu saarayo faragalin ay shegeen iney Itoobiya ku heysso arimaha doorashada ayaa waxaa xildhibaanada jooga ka mid ah Fiqi, Goodax,Sagal iyo kuwa kaloo badan oo dhamaantood looga bartay iney olole ugu jireen isbadal dalka ka dhaca.
Xildhibaanada madasha fadhiya ayaa laf-ahaantooda isku musharax wadan , waxaana u badan xildhibaanada Cumar C/rashiid , Sheikh Shariif iyo Farmaajo.
Siyaasi goobta jooga oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay in xildhibaanada meesha fadhiya ay madashan ugu talagaleen iney cududooda muujiyaan .
Wali ma jiro musharax ka qeybgal kulanka caawa.