Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey Kofi Anan ayaa Maanta waxaa la xaqaqiijiyey in uu ku geeriyooday dalka Swezerland.
Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee Afrikaanka madow ah ee qabta jagada ugu sarraysa diblomaasiyadda dunida, wuxuuna xilkaas hayey 1997 – 2006.
Sannadki 2001, waxuu ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, oo uu ku muteystay shaqadi uu ka qabtay arrimaha bani’aadannimada.
Xilliyadii dambe wuxuu noqday ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Suuriya, isagoo hogaaminayey dadaalka ku saabsan sidii xasaradda dalkaas ka taagan xal loogu heli lahaa.
Kofi Anan ayaa waxaa uu ka soo jeedaa Qaarada Afrika gaar ahaan Wadanka Gana,waxaan uu ku geeriyooday da’da 80 jir.
Goordhow la socda Taariikhda Kofi Anan.