War deg deg ah oo hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Wasiirka Haweenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ay ku Geeriyootay dalka Jabuuti.
Wararku waxaa ay sheegayaan in marxuumadda ay dalkaasi ku xanuunsanayd dhawaanahaan, waxaana ay geeriyootay goordhaweyd.
Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo kamid aheyd wafdi la socday Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo Jabuuti ku sugan ayaa xanuun deg deg ah kusoo booday, waxaana la dhigay isbitaal lagula tacaalayay xanuunkeeda , halkaas oo maanta ku geeriyootay.
Khadiija Diiriye ayaa soo aheyd in ka badan 23-sanno xildhibaan katirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa ay sidoo kale wasiir kasoo noqotay xukuumadihii kala duwanaa ee dalka soo maray.
Marxuumadda ayaa muddo dheer ka mid ahayd Dowladihii dalka soo maray, iyadoo soo qabatay Xilal kala duwan.