Gudoomiyaha Maxkmadda G/Banadir Muuse Maxamed aya saaka si hordhac ah u dhagaystay dacwada agaasimaha wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Daahir Nuur oo habeenkii khamiistii ciidamo boolis ah ay ka soo qabteen xaafadiisa 12:00 Habeenimo.
Gudoomiyaha ayaa amray xariga 2 sarkaal oo CID oo amray xariga agaasimaha sida wariyaheena Saleymaan Axmed Raage oo maxkamda goob joog ka ah uu ku soo waramayo.
Labada sarkaal aya lagu kala maagcaabaa Maxamed Cabdi Axmad iyo Farxaan C/xakiin mursal
Saraakiisha ayaa loo heystaa in ineysan dariiq sax ah u marin xariga agaasimaha iyo ineysan heysan warqad amar soo qabasho iyo sido kale cadeymaha eeda oo aan cadeyn.
Halkaan Kala Socda Wixii Ku soo Kordha Warkaan