Wararka aan ka heleyno degmada Jalalaqsi e Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas goor dhow uu ka dhacay qarax xooggan oo lagu weeraray Xarunta degmada Maamulka, waxaana qaraxa jugtiisa inta maqlay inta badan xaafaddaha degmada.
Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa mid Is-miidaamin ah oo lagu weeraray Xarunta degmada Jalalaqsi, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray mas’uuliyiin kala duwan iyo dad shacab ah oo goobta ku sugnaa.
Dadka dhintay qaraxa ayaa waxaa ku jiro Guddoomiyhii degmada Jalalaqsi Maxamuud Nuur Cagajoof Dabaashe, waxaana dadka dhaawacmay la geeyay Isbitaal, sida ay kusoo warramayaa dad ku sugan degmada.
Qaraxa ka dhacay Jalalaqsi ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo dhowr iyo toban daqiiqo kahor qarax Is-miidaamin ah Al-shabaab ay ku burburisay Buundada magaalada Buulo-burte oo muhiim u aheyd wadada isku xirta Gobolada dhexe illaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.