Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay u sheegeen Radio Dalsan inuu Guddoomiye BFS, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan maanta ka guuray Villa Somalia, wuxuuna degay Hotelka Shabeel oo ah Hotel aad loo ilaaliyo, kuna dhow Xarunta Hay’adda UNDP ee agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Tallaabadaasi ayaa timid, iyadoo ay weli taagan tahay Khilaafka ka dhashay Mooshinkii ay xubno ka tirsan BFS dhawaan ka soo gudbiyeen Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Maalmihii la soo dhaafay, Xilddhibaanadda la safan Guddoomiyaha BFS, waxay sheegeen inuu Guddoomiye Mursal cadaadis xooggan la saaray, isla markaana laga jaray saadka, raashinka, loona diiday inay Xildhibaanadii saxiixay mooshinkii kula kulmaan Hoygiisa ku dheex yaalla Villa Somalia.