Kooxo hubeysan ayaa Maanta Magalada Muqdisho waxa ay ku dileen Nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade,iyaga oo dilka kadib baxasaday.
Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Cismaan Afrax oo loo yaqaano (Cabdi Biifane),waxana la sheegay in dadkii dilka geystay ay ugu tageen Hoygiisa oo ku yaalla Agagaarka ex-koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah eheladiisa ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Xilli uu ka soo baxayay Gurigiisa rag hubeysan ay rasaaseeyeen,isla markaana ay dilka kadib ka qaateen Gaari Prado ah oo uu watay,waxaana rasaasta lagu furay ku dhaawacantay Gabar uu dhalay oo guriga ku sugneyd.
Cabdi Cismaan Afrax oo loo yaqaano (Cabdi Biifane) ayaa sida Eheladiisa ay sheegeen waxa uu ahaa Ganacsatada soo dejisa Gawaarida,hayeeshee aysan garan Karin sababta loo dilay iyo dadka ka dambeeyay dilkiisa.
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa tegay Goobta dilka ka dhacay wallow dadkii dilka geystay ay ku baxsadeen Gaariga uu lahaa Ganacsadaha la dilay.