Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa goordhow Suuqa Bakaaraha waxa ay ku dileen laba xidigle ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Laba Xidigle Maalin ayaa ka tirsanaa Saldhiga degmada Hodan,waxana la sheegay in rag hubeysan ay ku dileyn suuqa Bakaaraha,iyaga oo dilka ka dib goobta ka baxsady.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyaga oo halkaasi ka wada howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.
Faah faainta Warkaan kala socda Radiodalsan.com