Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan tuulooyin ΓΒ hoostaga Degmada Cadale ee Gobolkaas ayaa waxaa ay sheegayaan in sasakay waaberigii hore halkaasi uu ka qarxay dagaal xoogan oo u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed.
Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu si gaar ah uga socdo tuulo lagu magacaabo Bur-dheere oo hoostagta Degmada Cadale,waxaana dagaalka la isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay u sheegeen in dagaalkan uu yahay mid xoogan,isla markaana waxaa dhawaqa hubka laga maqlayaa deegaano ka fog halkaas.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo wamayaa in uu ka dhashay dagaalkaas oo soo kala gaaray labada dhinac.
Dagaalka u dhexeeya labada maleeshiyo beeleed ayaa waxa uu taagan yhaay muddo 2 sano ah,waxaana horey u jiray dadaalo lagu doonayo in lagu dhexgalo labada dhinac,hayeeshee laguma guuleysan.