Wararka naga soo gaaraya degmada Kaxda ee Gobolkan Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa uu dabka kacay Goobo Ganacsi oo ku yaalla degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir.
Dabka ayaa waxa uu ka kacay suuq ku yaalla agagaarka Busteejada Gaadiidka laga raro ee degmada Kaxda,waxana dabkaas uu ku fiday goobo Ganacsi oo horleh,sida ay dalsan u sheegeen dad ku sugan goobta uu ka kacay.
Waxaa goobta dabka uu ka kacay oo lagu Magacaabo Quraca Nabada gaaray Gawaarida dab damiska kuwaas oo haatan wada dadaal ay ku doonayaan in dabkaasi lagu demiyo,waxaa sidoo kale goobta ku sugan masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada.
“Goobo badan oo Ganacsi ayaa lagu soo waramayaa in uu dabka baabi’iyey,waxana sidoo kale la demiyey korontada degmada Kaxda oo Caawa dadka Magaalada dahn koronto la’aan ayey jiifaan welina dabka wuu socdaa yuu yiri qofka mid ah dadka degmada kaxda.