Wararka inaga soo gaaraya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in madaxweynihii shalay xilka ka degay ee dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ay ciidammada militariga federaalka la tageen.
Balse dad ku sugan Itoobiya ayaa inoo xaqiijiyay in Cabdi Maxamuud cumar la qabtay.
Ilaa hadda lama garanaya halka ay u kaxaysteen ciidammada militariga.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynahii dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka iska casilay,isla markaana madaxweynaha cusub loo magacaabay Axmed Cabdi Sheikh Maxamed.