Wararka aan ka heleyno Degmada Hoden ee Gobolka Banaadir gaar ahaan meel ku dhow Xarunta Kuliyada Jaalle Siyaad ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Ciidamo ka tirsan dowlada uu ku sugnaa lagu tuuray Bambo gacameed,iyadoona uu Khasaare uu ka dhashay bambadaas.
Waxaa la sheegay in rag hubeysan ay bombo gacameed ay ku tureen Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ku sungaa meel xarunta Kuliyadda jaalle siyaad ee degmada hodan ,waxaan goobta ka baxsaday ragii weerar ka dambeeyay.
Goobta uu weerarkan ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan dowlada soomaaliya,islam markana goobta uu falkan ka dhacay sameeyayb baartaano ku aadan falka.
Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in dhaawac uu soo gaaray hal askari uu ku sugnaa goobta,waxaan la sheegay in askariga dhaawaciisa uu ahaa mid fudud.