Wararka naga soo gaaraya deegaanka Galcad ee G/Galguduud ayat sheegaya in ka bixitaankii ciidamada dawladda iyo kuwa Ethiopia  kadi deegska Galcad ay Shababka qabsadeen halkaas , waxaana ay bireeyeen oo ay mindi ku dileen wakiilki shirkada Hormuud ee deegaanka iyo shaqaale kale.
 Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey dilka ragaas la shaqeynayey Hormuz , waxaana sababta lagu sheegay in maalmihi ay magaala joogeen Itoobiyaabka iyo ciidamada soomaalida iney ka iibiyeen telefoono oo ay la macaamileen.
Ka bixitaanka ciidamada ee deegaanka aya la ogeyn sababta waxeyse keentay cabsi dadka deegaanka ah oo qaarkood ganacsato u badan xilici ay ciidamada joogeen ka iibsan jiray alaabaha.
Ma jiro war ka soo baxay Hormuud oo ku aadan arintaas.