Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay saakey waaberigii weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni.
Weerarka qaraxyada ka dib ayaa waxaa halakasi ka bilaawday dagaal culus oo socday mudo ku badan Saacad kaas oo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo dagaalamayasha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.
Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Jubbaland oo goordhow la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in uu jiro khasaaro soo gaarey labada dhinac,isla markaana ay iska difaaceen Al-Shabaabkii weerarka kusoo qaaday.
Weli Warar madax banaan majiraan oo cadeynaya khasaaraha ka dhashay weerarkaas,waxan welina la maqlayaa rasaas ka dhaceysa Baar Sanguuni.
Goordhow kala socda faah faahinta Warkaan Radiodalsan.com