Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisey warar  ku faafay baraha bulshadda, kuwaas oo sheegayey in dawladu la fadhiisaneyso  Al Ahabaab.
La taliyaha Amniga QarankaMadaxweynaha  Soomaaliya ayaa sheegay in “Madaxweynaha uu shuruudo cad ku xiray wadahadalka Al Shabaabâ€. Waxa uu sheegay in shuruudahaa ay ka midnyihiin “1. in ay Alshabab xarigga u jarto xiriir kasta oo ay la leeyihiin kooxaha argagixisada caalamiga ah isla markaana ay aqbalaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
2. in ay diyaar u yihiin inay barnaamijkooda siyaasadeed si nabad ah u wataan.
Todobaadkan waxaa soo baxay warar sheegaya in dawladda Soomaaliya,markii ugu hor  miiska wada hadalada la fadhiisaneyso Al Shabaab.
Wararka ayaa intaas ku daraayey in Wafdi ka socda dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa markii ugu horreysay u safrayaan dalka Qadar  ee caasimada Doha si ay ula kulmaan xubno ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Balse warkan waxa beeniyey La taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya.Saacadihii aynu soo dhaafney ayuu warkan si wayn ugu faafay baraha bulshadda.