Askari la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ee Canshuurta qaada ayaa waxaa uu Darawal Mooto Bajaajle ahaa ku diley Isgoyska sanca ee Magalada muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dilka uu ka dhacay meel u dhow sarta Sanca dhinaca degmada Yaaqshiid,isla markaana askarigii ka dambeeyey dilkaas uu goobta ka baxsaday.
Waxaa la sheegay in uu dilka kahor muran dhex maray askariga iyo darawalka bajaajlaha ah ee la dilay,isla markaana askariga uu xabad Madaxa kaga  ku dhuftay .
Waxaa sidoo kale la sheegay in markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday mid ka mid ah goobaha Caafimaad ee Muqdisho balse dhaawicii uu u geeriyooday.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay iyaga oo qaaday meydka,waxaana sidoo kale lagu soo waramayaa in mudo uu hakad galay isku- socodka dadka iyo gaadiidka kadib markii Darawalada mooto bajaajta ay dibadbax dhigeen.
Dilalka loo geysanayo Darawalada mooto bajaajta ayaa mar walba waxa ay ka dhacaan Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka soomaaliya,waxana dhawaan Darawal Mooto bajaajle ah oo lagu dilay Baladweyne ka dhalatay xiisad sababtay inay dagaalamaan laba maleeshiyo beeleed.