Askari ka tirsanaa kuwa Gaadiidka lacagaha ka qaada ee ku sugan Busteejada Gaadiidka laga raro ee degmada Kaaraan  ayaa waxa uu diley mid ka mid ah Darawalada Gaadiidka ee ka Shaqeysa degmadaas.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Darawalka oo waday mid ka mid ah Gaadiidka Dadweynaha ee loo yaqaano Bii’elka iyo askariga ku sugnaa busteejada Gaadiidka ay ku murmeyn lacago Gaadiidka laga qaado,isla markaana askariga uu dhowr xabadood ku dhuftey Darawalkii.
Dilka ka dib waxaa goobta gaarey Ciidamada booliska ee ku sugan Saldhiga degmada Kaaraan,.waxana ay goobta ka qaadeen meydka Darawalka,iyaga oo geeyey Salhdiga booliska,waxana sidoo kale la sheegay in uu goobta ka baxsaday askarigii dilka geystay.
Maamulka degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir ayan la xiriirnay si aan wax uga weeydiino dilkaas balse nooma suurtagelin.
Sidoo kale waxaa la sheegay in dilka ka dib Darawalada gaadiidka dadweynaha ee ka Shaqeeya degmada Kaaraan una kala goosha degmooyinka kale ee gobolka Banaadir ay dhigeyn dibadbax ay uga cabanayeen dilka Maanta loo geystay mid ka mid ah darawalada.