Askari Masaari ah ayaa toogasho ku dilay Labo Dalxiisayaal Israeli ah, kuwaasi oo booqanayey Deegaanka Al-Sawari ee magaaladda Alexandria ee Waqooyiga dalkaasi.
Telefishinka Extra News oo aan Warkan ka soo xiganay waxa uu sheegay in Nin Masaari ah oo Hage u ah Dalxiisayaasha (An Egyptian guide)Â isagana lagu dilay Weerarkaasi.
Dalxiise kale oo Israeli ah ayaa isagana la dhaawacay.
Dhanka kale, Askariga Masaarida ee dilka geystay waa la qabtay, waxaana loo xaglinayaa inuu Weerarkaasi u geystay isagoo taageersan Hawlgalka Milliteri ee Xarakada XAMAAS ee Falastiin ka wadaan gudaha Israel.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Israel waxay xaqiijiyeen dilka labada Dalxiise iyo dhaawaca mid kale oo xaalladiisu degan tahay.