Washington DC ayaa todobaadkan martigalisay shir muhiim ah oo looga hadlay arrimaha amniga Soomaaliya, kaas oo dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo wadamada ku mideysan kooxda QUINT, oo ka caawiya Soomaaliya dhinaca amniga. Dowladaha ku jira QUINT waxaa ka mid ah Mareykanka, Britain, Turkey, Qatar, iyo Imaaraadka Carabta. Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee shirka ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, iyo La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macalin Maxamuud, oo xusay in shirkan uu ahaa kii 7-aad ee noociisa ah.
Xuseen Macalin Maxamuud ayaa tilmaamay in shirka si gaar ah diiradda loogu saaray dib-u-habaynta iyo qalabeynta ciidamada qaranka, iyo taageerada ay u baahan yihiin si ay u fuliyaan waajibaadkooda amni. Wuxuu sidoo kale caddeeyay in ajendaha shirka laga dooday inaysan Soomaaliya oggolaan doonin in ciidamada Itoobiya ay qayb ka noqdaan howlgalka cusub ee bedeli doona Hawlgalka Kumeelgaarka ee Midowga Afrika (ATMIS) marka uu dhammaado. Macalin wuxuu sheegay in dowladaha taageeraya amniga Soomaaliya ay la safteen doodda Soomaaliya oo ay tilmaameen in ay tahay mid xaq ah.
Wuxuu intaa ku daray in xoogga la saaray sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab oo uu ugu yeeray “Khawaarijta,” isagoo muujiyay sida ay Soomaaliya u sii wadi doonto dadaallada amniga ee ay ka wadaan waddamada taageeraya.
Dhinaca kale, Xuseen Macalin wuxuu ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Masar, isagoo sheegay in aysan wax xiriir ah la lahayn arrimaha Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxeeya. Wuxuu sheegay in Soomaaliya iyo Masar ay gaareen heshiis difaac oo ay xaq u leeyihiin, isagoo hadalkiisa sii raaciyay in walaaca Itoobiya ka qabto taageerada Masar ee Soomaaliya ay tahay “boor isku qarin iyo riyo malawaal ah” oo aysan Soomaaliya wax dheg jalaq ah u siin doonin.
Hadalkan wuxuu muujinayaa mowqifka adag ee Soomaaliya ku wajahan ciidamada Itoobiya iyo doorka dalalka gobolka ee arrimaha amniga iyo dib-u-habaynta ciidamada qaranka. Shirkan Washington ka dhacay ayaa sidoo kale caddeeyay in Soomaaliya ay leedahay taageero xooggan oo caalami ah si loo adkeeyo dadaallada lagu xasilinayo dalka.