Maanta oo ay taariikhda hijriyadu ku beegan tahay 10-ka Bisha Carafo sanadka 1443, kuna beegan 9 July 2022, waxaa inta badan dunida Islaamka looga dabaaldegayaa Maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa, xili shalay xujeyda ay taagnaayeen Banka Carafo.
Dalka Soomaaliya oo ka mid ah Dunida Islaamka ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha sida weyn loogu Ciidayo, iyada oo ay Shacabku ay isu dirayaan hambalyada Munaasabadda Ciidul Adxaa, kuna faraxsan sidii ay u ciidayaan maalinta Koowaad ee Ciida.
Masaajida ku yaalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa xilli hore oo saakay ah laga maqlayey Takbiirta Ciida, waxaana Masaajida lagu tukaday salaada Ciida, iyadoo farxada ciidda laga dareemayo dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir.
Mas’uuuliyiin ka tirsan Madaxda sar sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa goobo fagaare ah iyo Masaajida kula tukaday salaada Ciidul Adxaa, isla markaana iskugu hambalyeeyay farxada.
Goobaha sida weyn Maalinta Koowaad looga ciidayo ayaa waxaa ka mid ah, degaannada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo deegaanada Soomaaliland.
Sidoo kale Guryaha qaar ayaa waxaa Maanta laga qalayaa xoolo, maadaama Ciida Carafo inta badan Dadyowga Islaamka ay xoolo Gowracaan, isla markaana ay duceystaan.