Dalada Haweenka Hurumarinta Suxufiyiinta Soomaaliyeed (WOMDU ) ayaa si kulul u cambaaraayay xariga weriye Cabdifatax Xasan Kalgacal oo subaxnimadii Talaadada, 31 March 2015 ay ciidamada Booliska gurigiisa ooku yaala deg madiina ka soo kaxeysteen, iyadoo loo gudbiyay Xarunta dembi baarista oo maalintii 4aad uu ku xiran yahay, iyadoo laamaha amniga weli aanay ka hadal arrinta weriyaha iyo sababaha loo soo xiray intaba, Weriye Kalgacal waxa uu ahaa weriyaha Baarlamaanka uga soo warama Idaacadda Goobjoog, isla markaana ah weriyaha keli ah ee isagoo “indho la’aan ah†xirfadda warbaahinta ugu shaqeeya si waafaqsan Anshaxa Saxaafada.
“Weriye Kalgacal waxa uu xabsiga ku jiraa maalintii Afaraad iyadoo sabab uu xiran yahayna aanu boolisku caddeynin,†Gud ku xigeenka (WOMDU ) Malyuun sheikh Xayder ayaa intaa ku dartay, “Weriye Kalgacal waa weriye ku dhiiraday in isagooI indho la’aan ah uu Shacabka ugu shaqeeyo mihnaddan Saxafinimo oo aad u adag, waan ognahay Boolisku shaqo aad u adag in ay Shacabka Soomaaliyeed u hayaan, balse xarrigga weriye Kalgacal oo ah weriye naafo ah oo lixaadkiisa dhiman yahay in la xiro.
Dalada Haweenka Hurumarinta Suxufiyiinta Soomaaliyeed (WOMDU ) ayaa ku baaqay mar labaad Dowladda Federalka ah in si deg deg ah loo sii daayo weriye Cabdifatax Xasan Kalgacal
Dalada Haweenka Hurumarinta Suxufiyiinta Soomaaliyeed (WOMDU ) ayaa si kulul u cambaaraayay xariga Axmed Siciid Maxamedweriyaha  oo ahaa weriyaha Tv-ga KALSAN oo uga soo hadli jiray oo asagana Arbacadii la soo dhaafay,  lagu xiray Ber bera ,iyadoo Dalada Haweenka Hurumarinta Suxufiyiinta Soomaaliyeed (WOMDU ) ku baaqay in si shuruud la’aan wariyayaasha ku kala xiran Muqdisho iyo Berbera.
Malyun Shiekh Hiader Deputy Chair Womdu
                                                Â