Dagaalo xoogan ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa ay deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida ku dhex marayeen Ciidanka Liyuu Boolis iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.
Dagaalada ayaa markii hore ka bilowday weeraro culus oo Shabaabka ku qaadeen deegaanada Aato iyo Yeed oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Liyuu Boolis, kadibna waxaa dhacay dagaalo dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac aad u farabadan.
Al-shabaab oo wata gaadiidka nooca dagaalka ayaa gudaha u galay deegaano ka tirsan dowlad deegaanka, waxaana Saraakiil ka tirsan laamaha amniga DDS ay sheegeen inay Shabaab ku hareereeyeen aagga Huluul ee degmada Hargeelle gaar ahaan Gol-dheer.
Wararkii ugu danbeeyay ee la helayo ayaa sheegaya inay weli socdaan dagaalo goos-goos oo u dhexeeya Ciidanka Liyuu Boolis iyo Al-shabaab, isla markaana aaga uu dagaalka ka socdo ay dadka deegaanka ka barakacayaan.
Laamaha ammaanka dowlad deegaanka ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, Al-Shabaab oo dhankooda soo bandhigay Sawirada dagaalka ayaa sheegay inay ciidamada Liyuu Boolis ka dileen in ka badan 87 Askari, isla markaana degaano dhowr ah ay ka qabsadeen.