Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay dagaalyahanno ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay dowladda, kuwaasi oo ka soo goostay kooxdaas dagaalka kula jirta dowladda federaalka iyo saaxiibadeeda caalamiga ah.
Warbixin ay soo saareen saraakiisha ammaanka ayaa lagu sheegay in xubnahaan isa soo dhiibay ay hore uga tirsanaayeen Al-Shabaab, iyagoo ka howlgalayay gobollada Bay, Bakool iyo Jubooyinka. Sida ay sheegeen, waxay kooxda ku biireen xilli kala duwan, waxaana la sheegay in ay ka qayb qaateen dagaallo badan oo ka dhacay gobolladaas.
Dagaalamayaashan ayaa isku soo dhiibay ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Baydhabo, halkaas oo saraakiisha laamaha ammaanku kusoo bandhigeen. Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in tallaabadan ay muujinayso in ay sii wiiqmayaan awoodda Al-Shabaab, islamarkaana ay jiraan xubno kale oo qorsheynaya in ay isa soo dhiibaan.
Muuqaallada iyo sawirrada xubnahaan isa soo dhiibay ayaa lagu baahiyay warbaahinta, iyadoo laamaha ammaanku ay sheegeen in ay helayaan xog dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda dagaalyahannada kale ee wali ku harsan kooxda.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u ballanqaaday cafis iyo nolol cusub oo loo abuurayo xubnaha ka tanaasula Al-Shabaab oo isku dhiiba laamaha ammaanka, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxdaas.