Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeya Labo Sarkaal oo ka wada tirsan Ciidanka Millateriga Soomaaliya,kuwaasi oo lasoo sheegayo in ay ku dagaalamayaan qaybo ka mid ah degmada karaan ee Gobolkani Banaadir.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in hadda uu dagaalku ka socdo inta u dhexaysa Suuqa Xerka Dheere iyo Deegaanka Gubadley, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac.
Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu si gaar ah ugu dhaxeeyo Laba Sarkaal oo katirsan Ciidamada Xooga Dalka, waxaana agu kala Magacaabaa Saneey Cabdulle iyo Cismaan Xaadoole, dadka degaankanu waxaa ay sheegayaan in xaafadaha qaar ay kusoo dahcayaan madaafiic habow ah, oo ay isku adeegsanayaan labada Ciidan ee dagaalmaya.
Warar hoose oo aynu helnay ayaa sheegaya in labada Sarkaal ee dagaalamaya ay isku haystaan Jidgooyooyin iyo Kaawooyinka laga Qodo Jaayga iyo Dhagaxda ee ku yaala Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Deegaanka Ceel Cade.
Dadka degaanka ayaa ku warramaya in ay dereemayaan cabsi aad u weyn oo ku aaddan dagaalka kor kooda ka socda, waxaana ay sheegeen in wali xaaladdu ay hadda tahay mid kacsan, mana jirto ilaa iyo hadda Cid kala dhex gashay labada Sarkaal ee dagaalamaya.
Wali khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay dagaalkaasi lama xaqiijin, waxaana jira sida la sheegay Khasaaro soo kala gaaray labada dhinac, iyadoo dadka degaanku ay sheegeen in ay adag tahay in la ogaado khasaaraha rasmiga ah, maaddama uu dagaalku wali socdo.