Wararka naga soo gaarayo deeganada Kabtanaas iyo Buufoow iyo kuwa kale oo ka kala tirsan Degmada Janaale iyo Qoryooleey ee Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in deeganaadaa ay ku dagaalamaayan Ciidamada dowlada iyo Kuwa Amisom oo dhinac ah iyo Alshabaab.
Dagaalka ayaa goor dhow qarxay waxaana la sheegay in deeganaada oo ay ku suganaayeen Alshabaab weerar ay ku qaadeen Ciidamada Dowlada iyo Amisom.
Wariyaha Radio Dalsan ee Sh/hoose Maxamed Xuseen Cismaan Ma’da ayaa qadka Telefoonka kula xiriiray Taliyaha horgaaminaya Howlgalka ciidamada dowlada ay ka wadaan deeganada uu dagaalku ka socdo.
Taliyaha oo magaciisa kusoo koobay Daahir ayaa sheegay in iyagu ay weerarka qaadeen dagaalkana uu hadda ka socdo Deeganadaasi,oo ay gacanta ku hayeen Dagaalamayaasha Alshabaab.
Halkan ka dhageyo Wararka la xiriira Dagaalka Maxamed Xuseen Ma’da: