Dagaal u dhexeeya Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka oo is garabsanaya iyo Al-Shabaab ayaa ka socda Deeganka jeex jeex iyo buurta yacgoos oo u dhaxeeya Magaalooyinka caad iyo camaara ee Koofurta gobolka Mudug.
Howlgalka waxaa qaaday Ciidanka xoogga iyo xoogagga deegaanka oo is kaashanaya ka dib markii ay heleen xogta dagaalamaayal ka tirsan Al-Shabaab oo isku aruursanayay deegaanadaas.
Saraakiisha Ciidanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in dagaalka lagu jabiyey dagaalamayaasha AL-Shabaab walina uu socdo dagaalku.
Howlgalka ayaa qeyb ka ah howlgalada ka dhanka ah AL-Shabaab ee ka socda Koofurta Mudug.