Wararka ka imaanaya deegaanka Qurax Madoobe e G/Dhxe ayaa sheegaya in ciidamada dawladda la wareegeen dagaal kadib deegaanka hadana uu dagaal kale ka qarxay deegaanka Cali Fooldheere oo isla degaanka ah .
Deegaanada oo ka tirsan degmada Mahadaay waxa ku dagaalamaya ciidamada iyo Amisom oo dhinac ah iyo Shabab .
Dadka deegaanka yio wariyaheena jowhar ayaa soo sheegaya in dagaalka uu yahay kii ugu cuslaa oo halkaas ka dhaca , waxaana la maqlayaaa hubka waaweyn oo ay taangiyo ku jiraan.
Alshabab ayaa deegaanadaas maamulayey 8 sano ee u dambeysay.