Magaaalda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa lagu soo warramayaa in saaka mar kale uu dib uga billawday dagaal, waxaana qaybo kamid ah Magalada laga maqlayaa Rasaas.
Goob joogayaal ayaa soo sheegya in hubka noocyadiisa kaladuwan la isku adeegsanayo oo wali dagaal uu socdo.
Ciidamada Millateiga Somaliland ayaa ku sugan qaybo kamid ah magaalada, oo wali sida la sheegay duqaymo culus wada, waxaana sii xoogaysanaya is hubaynta xoogagga SSC ee kasoo horjeeda Soomaaliland.
Xukuumadda Somaliland ayaa war ay soo saartay waxaa yak u sheegtay in xabbadjoojintii ay ku dhawaaaqday ay jabiyeen dhinacyada kasoo horjeeda.
Waxaana Magaalada shalay ka dhacay dagaal xooggan iyadoo ay burburtay Xabbadjoojintii habeen horay ay ugu dhawaaqday Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.