Dagaal xoogan oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan ayaa ka socda deegaan hoostega degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, sida sheegayaan wararka aan ka heleyno Gobolkaas.
Dagaalkan ayaa sigaar ah uga socda deegaan lagu magacaabo Nagaarta oo hoostega Matabaan, waxaana la isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dagaalkaasna uu uu qarxay goordhaweyd.
Dad ku sugan tuulooyin ku dhow deegaanka Nagaarta ayaa soo sheegaya in dagaalkaas uu salka ku haayo arrimo la xiriira dul-daaqsimeed oo horey beelaha dagaalamaya heshiis uga gaareen, balse uu burburay.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in khasaaro uu ka dhashay dagaalka, hayeeshee aan rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay, maadaama adeg tahay in aaga laga agdhawaado, waxaana halkaas laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah.
Dagaalo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa horey u dhexmaray beelaha xiligaan ku dagaalamaya deegaanka Nagaarta ee hoostega degmad Matabaan ee Gobolka Hiiraan, iyadoona la dhex dhigay heshiis nabadeed, wallow uu burburay, sida la sheegay.