Qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom,dagaalkaas oo geestay khasaaro isgu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa intiis badan ka dhacay deegaanka Golweyn oo u dhaxeeya Magaalooyinka Marka iyo Buula-Mareer kadib markii ay Al-Shabaab deegaankaas weerar ku qaadeen fariisinka Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ku leeyihiin.
Dagaalka ayaa geestay khasaaro isgu jira dhimasho iyo dhaawac,waxana Al-Shabaab ay sheegeen in deegaanka golweyn ay mudo saacado ah Gacanta ku hayeen sida ay hadalka u dhigeen.
Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaan xiriir la sameynay si aan wax uga weeydiino dagaalkaas balse nooma suurtagelin.