Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa dagaal culus la galay maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaannada Cali Fooldheere iyo Cali Axmed.
Wararka aan helayno ayaa sheegaya in dagaalka uu qarxay kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay weeraro ku qaadaan fariisimaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin goobahaas.
Afhayeen u hadlay Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ciidanku ay horey u ogaayeen qorshaha weerarka, taasoo siisay fursad ay kaga hortagaan maleeshiyada Al-Shabaab. Sida uu sheegay afhayeenku, dagaalyahannadii weerarka soo qaaday ayaa la gaarsiiyay jab culus, iyadoo ay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay dib u riixeen weerarkii lagu soo qaaday.
Sidoo kale, ciidamada ayaa helay gurmad kala duwan oo xoojiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Afhayeenka ma uusan shaacin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka, balse wuxuu sheegay in faahfaahin laga bixin doono saacadaha soo socda.