Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo duhurnimadii Maanta ka dhacay Magalada Baladweyne ee Xarunta Gbolka Hiiraan,waxaana qaraxaasi uu ahaa mid jugtiisa inta badan laga maqlay xaafadaha Magalada Baladweyne.
Goobjoogayaal ayaa wax ay sheegeen in qaraxa la dhigay meel aan ka fogeen Saldhiga Beledweyne,isla markaana uu ku qarxay,hayeeshee uu jiray qarax kale oo ciidamada Booliska Baladweyne ay fashiliyeen.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa u sheegay Radio Dalsan in qarax kale la dhigay Wadada aada Saldhigga ee Bartamaha Baladweyne la dhigay,balse ay Ciidamada ka warheleen kuna guuleysteen inay fur furaan.
Howlgal ay sameeyeen Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay kusoo qabteen ilaa 4 Ruux oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen qaraxaas,kuwaas oo lagu xiray Saldhiga Magalada Baladweyne.
Wararkii u dambeeyey ee naga soo gaaraya Baladweyne ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana isu-socodka dadka iyo Goobaha Ganacsiga ay mid caadi ah kusoo noqotay,kadib markii ay istaagaan markii uu qaraxa dhacay.