Nin hubeysan ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay meel ku dhow Suuq laga dukaamaysto Xilliyada Kirismaska oo ku yaalla magaalladda Istarasborg, halkaasi oo uu ku dilay ugu yaraan 3 qof, halka ay 12 kalena ku dhaawacmeen.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Kiristofar Kastaner ayaa sheegay inuu baxsaday Dableygii hubeysnaa, kadib, markii ay Ciiddanka Ammaanka isweydaarsadeen Tacshiirad, ka hor inta uuwsan baxsanin.
350 Askari iyo 2 Helikopter ayaa la sheegay inay ka qeyb galaan baadi-goobka Ninkaasi oo 29-jir ah.
Boliska Faransiiska waxay aqoonsadeen Ninka weerarka geystay, kaasi oo ay Hay’addaha Sirdoonka ogaayeen inuu Ninkaasi khatar ku yahay Ammaanka.
Sannadkii 2016-kii, in ka badan 80 qof ayaa lagu dilay Suuq ku yaalla magaalladda Niis, sidoo kale weerar sannadkii 2015-kii ka dhacay magaalladda Paris waxaa lagu dilay 130-qof, iyadoo ay Kooxda Daacish sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.