14 qof ayaa ku geeriyootay Diyaarad nooca yar oo ku burburtay Waqooyiga dalka Brazil.
Qoraal ka soo baxay Shirkadda Diyaaradaha ee The Manaus Aerotaxi Airline ayaa lagu xaqiijiyey Shilkaasi oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Gobalka Barcelos oo 40p KM (248 miles) u jirta Caasimadda Gobalkaasi ee Manaus.
Qaar ka mid ah Warbaahinta Maxaliga ee Brazil ayaa soo weriyey inay Muwaadiniin Maraykan ah ka mid ahaayeen dadka ku geeriyooday Diyaaradda ku burburtay dhulka Kaymaha Amazon ee dalka Brazil.
Guddoomiyaha gobolka Amazonas Wilson Lima ee dalka Brazil ayaa sheegay in diyaaradda ay ku soo dhacday magaalada Barcelos ee waqooyiga Brazil.
“Aad ayaan uga qoomameynayaa geerida 12-kii rakaabka ahaa iyo labadii shaqaalihii diyaaradda ee ku waxyeeloobay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Barcelos Sabtidii,” ayuu Guddoomiye Lima ku yiri Qoraal uu soo dhigay Barta X, oo hore loo oran jiray Twitter.
Ciidanka cirka Brazil ayaa koox ka soo diray Manaus si ay xog u soo ururiyaan una sugaan caddaymo kasta oo loo isticmaali karo in lagu baaro xaaladihii shilka.